Gudiga Gaadiidleyda oo la kala diray

Wasaaradda Gaadiidka ayaa soo jeedisay in gebi ahaanba la kala diro gudiga, oo lagu eedeeyay inuu la shaqeeyo Kooxda Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa shaaciyay Maanta inuu kala diray Guddiga iskaashada Gaadiidleyda gobolka Banaadir, kadib markii loo soo jeediyay eedo ku saabsan inuu si hoose ula shaqeeyo Kooxda Al-Shabaab.

Wasaaradda Gaadiidka Soomaaliya ayaa talo soo jeedin sameysay, iyadoo ka dalbaday Cumar Filish inuu burburiyo gudiga oo ay ku mideysanaayeen dhamaan gaadiika ka shaqeeya Caasimadda. Ma cadda inay sax tahay eeda iyo in kale.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.