Gudoomiyaha Baarlamaanka oo La Kulmay Xildhibaanadii Hore

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Xildhibaanadii hore ee Baarkamaankii KMG.
Warar Keydmedia Online

Kulankaan oo ka dhacay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xildhibaanadii hore iyo sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Xildhibaanadii hore ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari u gudbiyay codsi ku aadan dhowr qodob oo ay kamid yihiin in la suggo amaankooda iyo in la siiyo xuquuq lacageed oo wali ka maqan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa ballan qaaday inay baadi goobayaan xuquuqda ka maqan mudanayaasha iyo sidii loo sugi lahaa amaankooda kadib markii ay sidaasi codsadeen.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.