Gudoomiyaha Degmada Waaberi Oo Muddo Bil Ah U Xiran Garoonka Cayaaraha (Warbixin)

Muqdisho (Keydmedia) - Xiriiro kala duwan oo ay qaar kamid ah dhalinyarada Cayaaraha ee Degmada Waabri ay lasoo sameeyeen Warbaahinta Keydmedia.net ayaa sheegaya in uu ku dhawaad muddo Bil ah u xiran yahay Garoonka Kubada Cagta ee Degmadaasi, isla markaan uu is hor istaagay gudoomiyaha Degmada Waaberi iyo qaar kamid ah maamulka Degmada.
Warar Keydmedia Online

Axmed Meere Makaraan (Axmed Faal) oo ah Gudoomiyaha Degmada Waaberi ayaa la sheegay in uu si adag u hor istaagay isla markaana albaabada isugu dhuftay cayaarihii kala duwanaa ee ka socday Garoonka Caalamiga ee uu lee yahay degmada Waaberi, taasoo sida la wada og yahay buu halboole u ahaa dhalinta degmadaasi ku dhaqan iyo waliba ku ku soobooqda ee halkaasi u yimaad si ay cayaaro nabadeed ugu soo bandhigaan.

Warar kale ayaa sheegaya in uu gudoomiyuhu uu halkaasi uu kasameeyay waxyaabo ka baxsan sharciga, waxaana sida laga warhayo in degmadaasi ka dhacay banaanbaxyo laga soo horjeedo maamulka Degmada maadaama dadka deegaanka ay cabanayaan dhinacyo badan oo ay xitaa kamid tahay in ciidanka degmada qaar ay dhac u gesytaan dadka rayidka ah ee halkaasi degan.

Macada sababta rasmiga ah ee uu gudoomiyuhu u xirtay garoonka kubada cagta ee degmada Waaberi wallow ay jiraan warbixino sheegaya in uusan gudoomiyuhu uusan jeclen Sport-ka, hase ahaatee waxaa arintaani walaac ka muujiyay dhalinyarada degmadaasi, waxaana ay ugu baaqeen maamulka gobolka Banaadir in ay arintaani wax ka qabtaan

Hadii uu sii xirnaado Garoonka waxaa imaan doonta rabshado iyo dhibaatooyin adag ku waasoo maamulka degmada ay ku waana qaadan doonaa sidaana waxa yiri mid kamid ah dhalinyarada xaga cayaaraha ee degmada waaberi.

Sidoo kale waxaa jira banaanbaxyo ay dhalinyarada degmada ay soo qabanqaabiyeen kuwaasoo mujinaayay sida uu dareenkoodu yahay.

Waa markii ugu horeysay oo gudoomiye degmo muddo ku siman bil uu u xirnaado garoon cayaareed isla markaana ay dhalinyaradu ku cayaaraan, hase ahaatee waxaa isweydiin leh maxey tahay sababta ka danbeysa in uu gudoomiye degmo uu xirto garoon lagu cayaaro.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.