Gudoomiyihii degmada Dayniile oo xilka laga qaaday

Muqdisho (KON) Kadib wareegto Ka soo baxday xafiiska wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa xil Ka qaadis loogu sameeyay guddoomiyihii degmada Deyniile ee gobolka Banaadir Daahir Xasan Xuseen iyadoo guddoomiye Cusub la magacaabay.
Warar Keydmedia Online

 

Daahir Xasan Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu ku qanacsanyahay xil ka qaadista lagu sameeyay, wuxuuna sheegay inuu xilka ku wareejin doono masuulka kale ee la soo magacaabay.

Wararka ayaa sheegaya in haatan munaasabad ay ka socoto xarunta degmada Dayniile taasi oo uu xilka ku wareejinayo gudoomiyihii hore ee degmada sidoo kalana uu xilka ku wareegayo gudoomiyaha cusub.

Ilaa iyo iminka ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamulka gobalka Banaadir oo ku aadan arintaan.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.