KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Caasimadda dalka waxaa ku soo kordhaya dilalka ay ciidamada Dowladda u geysanayaan dadka rayidka ah, iyadoo shalay askari ka tirsan CQS uu degmada Dharkenleey ku dilay qof dumar ah.
MUQDISHO,Soomaaliya - Xaafada Xoosh ee degmada Dharkenleey, ayaa askari kar tiran Ciidamada dowladda waxa uu ku dilay, haweeney lagu magacaabi jiray Faadumo Cali Cismaan (Faay Beeso), taasoo kali ku ahayd korinta ilmo agoon ah, oo ay iyadu dhashay.
Geerida haweeneydan ayaa waxaa soo de-dejisay is faham waa soo kala dhex galay iyada iyo askariga dilay, kaasoo muran badan kadib dhowr xabadood kaga dhuftay qeybaha sare ee jirkeeda. waxana askariga uu ka tirsanaa koox ciidan ah oo degannaa guri ku dhagan kan ay ku nooleyd gabadha la dilay.
Si ay uga baxsadaan laamaha amniga, ninkii dilka gaystay, iyo kooxdii askarta ahaa ee marxuumada dariska la ahaa, ayaa durba ka guuray gurigii ay deggannayeen, waxana daqiiqado kadib markii ay goobta ka carareen, soo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda oo sheegay in ay ku raad joogaan raggaasi.
Ehelka haweeneyda la dilay, oo la hadlay warbaahinta ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday, in ay gacanta ku soo dhigto, asarigii dilka u gaystay gabadhooda, oo isagu iminka baxsad ah.
Marxuumada ehelkeeda ayaa la murugsan, xaaladda ubadkii agoonta ahaa ee ay korineysay, kuwaasoo ay isku biirsatay hooyo iyo aabe la'aan, waxana ilmaha ay ka tagtay tiradooda ay gaarayaan 9 caruura.
Dadka Muqdisho ayaa aad uga naxay dhacdadan anfariirka leh, waxana xaafadii ay deganayd isugu soo baxay dadka degaanka, kuwaasoo markaad la hadasho kaaga sheekeynaya, wanaageedii qof ahaaneed iyo sidii ay ugu soo dhabar adeegtay korinta ubadkeeda.
Muqdisho, dilalka ay ciidamada u geysanayaan rayidka ayaa badanaya, waxana todobaadkii aynu ka soo gudubnay oo qura, ay askarta dowladda dileen ilaa 3 qof oo ay ku jireen wiil iyo gaar walaalo ah, lamana ogga waqtiga ay idlaanayaan gumaadka shacabka uga imanaya askartii difaaci lahayd.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.