Guriceel oo xarun Dhimarka lagu daweeyo laga furay

Wararka laga helayo Magaalada Guriceel ayaa sheegaya in Magaaladaasi laga furay xarun loogu tala galay Daryeelka Dadka ka xanuunsanaya dhimirka ee ku sugan Magaaladaasi.
Warar Keydmedia Online

Abaabulka iyo irda u furida xaruntan ayaa waxaa iska kaashaday odayaasha, Dhalinyarada, Aqoonyahanka, Haweenka iyo ururada bulshada deegaanka, waxaana loogu tala galay in daryeel caafimaad ay u fidiso dadka ka xanuunsanaya Dhimirka.

Maamulaha Xaruntaasi Cismaan Geele ayaa u sheegay saxaafada in xarunta lagu bilaabay qarashaad ay iska aruuriyeen qeybaha bulshada isla markaana hada laga heli karo jiif iyo xanaano loogu tala galay dadka dhimirka ka jirin.

Irda u furida xaruntan ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa xili Magaaladaasi ay aad ugu soo badanayeen dadka dhimirka ka xanuunsanaya, waxaana arimaha la xiriira xanuunka dhimirka loo aaneeyaa Dagaalada dhaxalkooda uu noqdo wal walwalka argagaxa iyo naxdinta joogtada ah.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.