Guudlaawe: Beesha Caalamka nama taageerin

“Beesha Caalamka wax gacan ah oo ay nagu siiyeen majirto dhismaha Hirshabeelle,anaguna waan tashanay” ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Warar Keydmedia Online
Guudlaawe: Beesha Caalamka nama taageerin

JOWHAR, Soomaaliya - Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle Cali Guudlaawe, ayaa sheegay in Beesha Caalamka aan taageero siinin Maamulkiisa xiligii doorashadda.

“Beesha Caalamka wax gacan ah oo ay nagu siiyeen majirto dhismaha Hirshabeelle, annagana waan isku tashanay," ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Guudlaawe ayaa eedeyntan jeedinaya isagoo aan wali xilka la wareegin, oo malmo yar Madaxweyne yahay.

Waxaa xusid mudan in Villa Somalia ay malaayiin dollar ku bixisay doorashadda Hirshabeelle, iyadoo xubno NISA katirsan Xildhibaano laga dhigay, kuwaasoo u codeeyay Musharaxa uu watey Fahad Yaasiin.

Madaxda cusub waxaa horyaalla caqabado waaweyn oo Waare iyo midkii ka horeeyay Cosoble ay ku fashilmeen, maadaama beelaha Hirshabeelle aan heshiis ahayn.

Hirshabeelle waxaa la dhisay dhamaadkii 2016, si boobsiis ah oo dowladdii xiligaas jirtay ee uu hogaaminayay Xasan Sheekh ka lahayd dano siyaasadeed oo ah inuu helo Xildhibaanada Maamulkan ka imaanaya.

Sidaas oo kale, ayuu Farmaajo ku dhisay Hirshabeellada cusub ee Guudlaawe Madaxweynaha ka noqday, waxaana aad u hooseysa rajada shacabka inuu wax u qabto dadka iyo degaanka Maamul gacan-ku-rimis ah, oo dusha looga keenay.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.