KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Madaxweynaha Hirshabelle ayaa weli la ganbanaya, shaacinta mowqifkiisa ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo culeys kala kulmaya siyaasiyiinta ay isku deggaanka yihiin.
JOWHAR, Soomaaliya - Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa wajahaya caddaadis siyaasadeed, oo u diidday inuu caddeeyo mowqifkiisa ku aaddan xaaladda cakiran ee uu dalku ku jiro.
Guudlaawe oo la ogsoon yahay, in uu u dhaw yahay hoggaanka waqtigiisu dhamaaday, ayaanan awoodin inuu shaaciyo aragtidiisa, waxaase taa baddelkeeda ay marxaladdu ku qasabtay inuu aamusnaan ku taageero Farmaajo.
Midowga musharaxiinta, gaar ahaan madaxweynayashii dalka soo maray, ayaa saaray culeys siyaasadeed, iyagoo ku war galiyey in matalaadooda aanu kaalin ku yeelan karin hoggaanka waqtigiisu dhamaaday.
Cabsi xooggan ayuu sidoo kale ka qabaa, Senator Xaaji Muuse Suudi Yalaxow, kaas oo indhaha ku haya dhaq dhaqaaqiisa siyasaadeed, waana Nin og in awood ciidan Hirshabelle looga fara maroojinayo, mar hadduu la safto Kooxda Madaxweynahihii hore.
Xoogga Ciidamada Badbaado Qaran, oo ku sugan gobolka Shabeellaha dhexe, waa qeyb ka mid ah waxyaabaha Guudlaawe ku kalifaya inuu aamusnaan ku gaabsado, taas oo Farmaajo aad uga careysiisay.
Farmaajo ayaa doonayey, in Guudlaawe uu la jaal noqdo Lafta-Gareen iyo Qoor-Qoor, balse caddaadiska adag ee hor yaalla ayaa arrintaasi diideysa, waxaana waqtigan mid liita lagu tilmaami karaa xiriirka kala dhaxeeya keligii taliye Farmaajo.
Farmaajo ayaa hore uga carooday Guudlaawe, kadib doorashooyinkii Aqalka Sare ee ka dhacay Jowhar, kuwaa oo looga awood batay Farmaajo iyo xulafadiisa, waxaana si gaar ah cabsi ugu beertay ku soo bixitaanka kursiga aqalka sare ee Senator Muuse Suudi, oo ah nin yaqaan damaca Farmaajo ee ku wajahan bur burinta dowladnimada Soomaaliya.
Caddaadiska uu Guudlaawe la kulmayo, ayaa ka reebaya saaxiibadiisa siyaasadeed ee Lafta-Gareen iyo Qoor-Qoor, kuwaasoo uu iminka ku adeeganayo Farmaajo, isla markaana taageersan damac walba oo uu leeyahay.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.