Guudlaawe oo la kulmay Sheekh Shariif

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed.

Warar Keydmedia Online
Guudlaawe oo la kulmay Sheekh Shariif

MUQDISHO, Soomaaliya -  Kulanka Guudlaawe iyo Sheekh Shariif ayaa ku saabsanaa salaam uu Guudlaawe ugu tagay Madaxweynihii hore, waxaana la isku soo hadal qaaaday dhacdooyinkii jimcihii ka dhacay Muqdisho iyo guud ahaan xaaladda siyaasideed ee dalka.

Guudlaawe wuxuu sidoo kale habeen ka hor la kulmay Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana hab dhaqanka Madaxweynayaashii hore duray hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sheegay in aysan mudneyn in lala kulmo Qoor-qoor iyo Guudlaawe inta ay ka caddeynayaan aragida ay ka qaban dhacdadii Jimihii ka dhacaday Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE.

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.