Guulihii ugu dambeeyay ee dagaalka Al-Shabaab

Al-Shabaab ayaa jab xoogan kasoo gaarey howlgalka socda, oo uu Xasan Sheekh sheegay inuu yahay midkii ugu dambeeyay oo dalka oo dhan looga saarayo Kooxdda.

Warar Keydmedia Online
Guulihii ugu dambeeyay ee dagaalka Al-Shabaab

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan 28 ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalena waa lagu dhaawacay howlgal cusub oo Arbacadii shalay ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka oo ka dhacay Miyiga Juhay oo hoostaga Aadan Yabaal ayaa waxaa fuliyay Ciidamada dowladda oo garab ka helaya maleeshiyo beeleed degaanka ah, sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta.

Ciidamada dowladda waxay beegsadeen maleeshiyaadkii ku sugnaa goob ay isku uruursanayeen, si ay ugu diyaar garoobaan duulaan ka dhan ah fariisimaha Ciidamadeena” ayaa lagu yiri qoraalka.

Shalay, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa booqasho ku tagay magaalada Aadan Yabaal oo dhawaan laga saaray Al-Shabaab, isagoo usoo kuurgalay xaaladaha amni iyo bini'aadanimo.

Xamsa iyo wafdigiisa ayaa la kulmay madaxda Hirshabeelle, saraakiisha Ciidanka dowladda, iyo shacabka, isagoo kala hadlay dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo sidii loo sugi lahaa amniga.

Wuxuu ammaanay Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka degaanka oo uu sheegay inay suurta galiyeen booqashadiisa, oo timid maalmo kadib dib ula wareegidda Aadan Yabaal.

Al-Shabaab ayaa jab xoogan kasoo gaarey howlgalka socda, oo uu Xasan Sheekh sheegay inuu yahay midkii ugu dambeeyay oo dalka oo dhan looga saarayo Kooxdda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.