H/Sh oo soo gabagabeyneysa doorashada Aqalka sare

Maamulka Hirshabelle oo maanta dhamaystiraysa labadii kursi ee ka harsanayd kuraasta Aqalka sare ee Hirshabeelle ku leedahay Baarlamaanka Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
H/Sh oo soo gabagabeyneysa doorashada Aqalka sare

JOWHAR, Soomaaliya – Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, ayaa maanta la filyaa in ay dhamestiraan doorashada kuraasta Aqalka sare ee Baarlamaanka JFS, kuwaas oo lix ka mid ah hore loogu doortay Xarunta Maamulka ee Jowhar.

Labo kursi oo baaqi ah in muddo ahna muran ka taagnaa, ayay maanta ku baratami doonaan shan musharrax, waxaana mid ka mid ah kuraasta loo xiray haweenka.

“Waxaa maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 04/10/2021 la doranaya labada kursi ee ka harsaneed Aqalka sare ee Hirshabelle”. Ayaa lagu yiri, war ka soo baxay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Hirshabelle.

Kursiga 1-aad, oo ah kursi doorashadiisa uu buuq iyo is qabqabsi hareeyay, isla-markaana hore ku dhawaad labo mar dib loo dhigay doorashadiisa, marna fowdo ka dhex kiciyay hoolka doorashada, ayay ku tartami doonaan saddex musharax oo kala ah;   

  1. Cabduqaadir Xanafi Sheekh Bashiir
  2. Cali Shacban Ibraahim
  3. Cabdalla Cabdi Xuseen

Kursiga 2-aad, oo lambarkiisu yahay UH#08, waxaa xalay tartankiisa ka haray, Musharax Abukar Xasan Cali (Maqaneey), taas oo ka dhigan in kaliya labo haween ah ku baratami doonaan, kuwaas oo kala ah;

  1. Nacimo ibraahim Yuusuf
  2. Zamzam cabdullaahi Axmed

Maamulka uu hoggaamiyo, Madaxweyne Cali Guudlaawe, ayaa hore loo amaanay in uu qabtay doorasho ka darajo roon, kuwa ka dhacay maamullada kale, hayeeshee kursiga sumaddiisu tahay #UH14, ayaa si weyn u suurad xumeeyay doorashada, kadib markii lagu kala dareeray hoolka doorashada xilli loo baahnaa in loo gudbo wareegga labaad ee doorashadiisa, kadib buuq uu kiciyay mid ka mid ah musharixiinta.

Hirshabeelle, sida maamuullada kale, ee Galmudug, Jubbaland iyo Koofur galbeed, waxa ay Aqalka sare ku leeyihiin 8 kursi, waxaana doorashadaan kadib loo baahan doonaa in la Qoorqoor iyo Madoobe, soo dhameystiraan kuraasta ku dhiman oo kala ah Galmudug 2 iyo Jubbaland 4.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.