Habraaca Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland oo la soo saaray

Mid ka mid ah qodobbada ugu adag hirgalinta hannaanka doorashooyinka ayaa la rumeysan yahay in uu ahaa arrinta muddada soo jiitameysay ee doorashada kuraasta Soomaaliland.

Warar Keydmedia Online
Habraaca Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland oo la soo saaray

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyahii Aqalka Sare ee Balamaankii 10-aad ee JFS, Cabdi Xaashi Cabdilaahi iyo Ra'iisal Wasaare Ku-xigeenka Xukuummadda Xil-gaarsiinta, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa si wadajir ah u soo saaray, hanaanka loo marayo dooorashada kuraasta Aqalka Sare ee Xildhibaanada Gobolada Waqooyi (Somaliland) ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra'iisal Wasaare Ku-xigeenku waxa ay si wada jir ah u soo saarayaan liiska xubnaha u tartamaya 11-ka kursi ee Xildhibaanada Aqalka Sare ee ka soo jeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland) ee BFS. Waxayna liiska xubnaha u tartamaya Aqalka Sare u gudbinayaan Ra'iisal Wasaaraha XFS si uu ula hubiyo liiska, si waafaqsan heshiiskii 27ki May 2021 ee madasha wadatashiga Qaranka. Guddiga Doorashooyinka Heer Somaliland (SEIT) ayaa asteenaya goorta doorashada.”. Ayaa lagu yiri cabraaca cusub.

Doorashada kuraasta Aqalka sare ee Xildhibaanda ka soo jeeda Gobolada Waqooyi, ayaa lagu heshiiyay in ay ka dhacdo Hanger ka ciidamadda cirka ee Afisiyooni, halka ergo ka kooban 46 xubnood oo ka kala yimaada 23-da saxiixe (Oday dhaqameed) iyo 23 xubnood oo ay saxiixayaashu soo xuleen ay dooran doonaan xubnaha Aqalka Sare.

“Murashaxa u tartamaya kuraasta labada Aqal ee BFS ee haya xil dawladeed (ee aan hayn xubnaha golayaasha Qaranka ee mudo xileedkooda dhamaanayo) ama shaqaale dawladeed ahi waa in uu istiqaaladdiisa u gudbiya Guddiyada Doorashooyinka (SEIT iyo FEIT) 7 maalmood ka hor maalinta doorashada”. Ayaa sidoo lagu yiri habraaca soo baxay.

Mid ka mid ah qodobbada ugu adag hirgalinta hannaanka doorashooyinka ayaa la rumeysan yahay in uu ahaa arrinta muddada soo jiitameysay ee doorashada kuraasta Soomaaliland.

Kooxda Farmaajo ayaa labo garab u kala jabisay siyaasiyiinta Soomaaliland, waxaana garab ka mid ah siyasiyiinta muddo hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare ku xigeynka dalka Mahdi Guuleed, oo ku daabnaa Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, halka Cabdi Xaashina uu horkacayay garab kale, ka hor inta aysan gaarin heshiis isbuucii hore.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.