Hadal-jeedinta Mushariixnta kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland

Cabdi Xaashi ayaa kamid ah Musharixiinta kuwaasoo Maanta sameeyay hadal-jeedinta, oo uu ka qeybgalay RW Rooble iyo Mahdi Guuleed.

Warar Keydmedia Online
Hadal-jeedinta Mushariixnta kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland

MUQDISHO, Soomaaliya - Teendhada Afisyooni oo ku dhaw Garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa waxaa ka socda hadal-jeedinta Musharixiinta kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland.

Musharixiinta oo ka badan 20 ayaa waxay u tartamayaan 11 kursi oo Somaliland loogu qoondeeyay Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya, kaasoo doorashadiisa ka billaabatay Maamul Goboleedyada dalka.

Cabdi Xaashi oo horey usoo ahaa Afhayeenka Aqalka Sare ee waqtigiisu dhamaadey ayaa kamid ah siyaasiyiinta Gobollada Waqooyi ee tartanka ku jira, iyadoo kursigiisa buuq badan dhaliyay, kadib markii uu ka dhigay mid aan lagu tartameynin.

Cadaadis xooggan kadib, Cabdi Xaashi ayaa ogolaadey in lala tartamo, wuxuuna xalay diiwaan-geliyay Mushar malxiis ah oo u camira, iyadoo tani isaga leexiyay tooshkii ku shidnaa.

Wasiiro dhowr ah ayaa kamid ah Musharixiinta side Dubbe iyo Saalax, kuwaasoo afartii sano ee lasoo dhaafay uga tirsanaa Gollaha Shacabka, balse haatan u wareegsadey Aqalka Sare.

RW Rooble ayaa goobjoog ka ahaa furitaanka munaasabadda hadal-jeedinta, waxaana hareerihiisa fadhiyay Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi oo mudo u xayirnayd doorashadda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.