Halgankii ma hungobay? – Xasanow xis yeelo!

Haddii u-jeedka halganku ahaa in dullinimada, dar-xumada iyo daranyada laga dul qaado dadka iyo degaannada labada Shabaab dulleysteen, is-baddel lagu sameeyo hoggaanka fashilmay ee ciidanka, lala xisaabtamo kuwii gobood-fallada geystay, jidadkana loo furo shacabka caddiban, aan ku weydiiyee aqriste halgankii ma guuleystay?

Warar Keydmedia Online
Halgankii ma hungobay? – Xasanow xis yeelo!

MUQDISHO, Soomaaliya – Ku dhawaad muddo labo sano ah, ka hor doorashadii 15-kii May 2022, dadka Soomaaliyeed ee wax-garadka ah, waxa ay ku jireen halgan siyaasadeed oo u jeedkiisu ahaa Is-baddel doon, kaasoo looga soo hor jeday nidaamkii faasidka ahaa ee Maxamed Farmaajo iyo Fahad Yaasiin hoggaanka u hayeen.

Kadib 112 maalmood doorashadii sanadkaan dhacday, ma la oran karaa halgankii waa mira dhalay?, ama ugu yaraan waxaa muuqda ubixii miraha halganka dhali lahaa? Mise xaalku wuxuu ku biya shubtay erayadii ahaa - Dambi ku hadli maayee ma arag dawladdaan rabaye, Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye.

Markii hore, haddii u jeedka halganku ahaa in Xasan Sheekh baddelo Farmaajo, Mahad Salaad baddelo Fahad Yaasiin, Axmed Fiqi baddelo Cabdi Siciid, Beena-beene baddelo Jamaal, Kooxdii xilka haysay ay baddelaan shaqsiyaad hal xisbi ah oo kaliya xil iyo xoolo doon ah, halgalku markaas sidii la rabay ayuu u mataaneeyay.

Sidaas oo kale haddii u-jeedka halganku ahaa in xilal qeybsiga iyo xoolo raadinta lagu loollamo, xinjirta shacabku har iyo habeen qubato, amni darradu halkii ugu sarreysay gaarto, Xijaar, Biixi, Qaroole iyo Odawaa hoggaanka ciidanka sii ahaadaan, dadka been lagu sii maaweeliyo, Allay lehe halgankii dhaay ayaa laga dhamay.

Haddii u-jeedka halganku ahaa in odayaashii, dhalliyaradii, haweenkii iyo saraakiishii halganka hoggaanka u ahaa albaabka laga xiranayo, lana shaqaalaysiinayo kooxdii Farmaajo gacanta midig u ahayd oo Wasiir Jamaal iyo xaaskiisa xilal sare lagu xushmeynayo, halgankaas dambar macaan ayaa laga maalay.

Haddii u-jeedka halganku ahaa in Farmaajo lagu abaal-mariyo xubinnimo xildhibaan oo aan dhacayn xilli 30 ruux ay xaruntii Badbaado Qaran (Hotel Xayaat) meydkoodu waran yahay, Cabdisiciid Muuse uu wali magaca masuul Dowladda Soomaaliya ka socda ku wareegayo dalalka caalamka, waa halkeediye ujeedkii waa hirgalay.

Haddiise hadafka halganku ahaa in la siibo nidaamkii faasidka ahaa ee kalitalisnimada iyo xukun u qooqo madax maray, laguna beddelo nidaam shacbaawi ah oo dareen, damqasho iyo diir-nax Dowladnimo  leh, hoggaankii dhiigya-cabka ahaana lagu baddelo mid aan oggoleyn in dhiig daato Allay lehe halgankaasu ma hirgalin.

Haddii u-jeedka halganku ahaa in dullinimada, dar-xumada iyo daranyada laga dul qaado dadka iyo degaannada labada Shabaab dulleysteen, is-baddel lagu sameeyo hoggaanka fashilmay ee ciidanka, lala xisaabtamo kuwii gobood-fallada geystay, jidadkana loo furo shacabka caddiban, aan ku weydiiyee aqriste halgankii ma guuleystay?

Boqolkii maalmood ee la soo dhaafay Al-Shabaab waxa ay daadiyeen dhiiggii ugu badnaa, waxa ay qaadeen howlgallaadii ugu badnaa, waxa ay u hanjabeen shacabkii ugu badnaa, amni xumadaas dhacday qof lagula xisaabtamay ma jiro, taasoo la micno ah habdhaqankii Farmaajo caanka ku ahaa ee shacabku kaga soo hor jeestay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa siyaasiga loogu han-weynaa, dibna loogu doortay inuu dadka iyo dalka samata bixiyo, wali ma godlan, waqtiga uu xafiiska joogo oo yar awgeed Keydmedia Online kuma degdegeyso dhaliishiisa, hayeeshee, waxaan xasuusineynaa inuu waqti badan wali heysto xal fududna heli karo.

Madaxweyne Kooxda kuugu haraareysan ee dadka kaa xigsatay, berri waxa ay noqon doonaan cadowgaada siyaasadeed, guuldarrooyinka maanta gacmahooda ku yimaada berri adiga ayay dhusa kaa saari doonaan, dadku adiga ayay ku eegayaan, halkii aad isku maaweelin lahayd muuqaal wiilal jarjareen (10-ka maalmod) runta wajah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.