Halkee ku baxday Lacagta dowladda Farmaajo lunsatay?

Hanti dhowrka guud ee qaranka ayaa goor sii horreysay soo bandhigay warbixin sanadeedkii baaritaanka maaliyadda, oo sanadkiiba mar la soo saaro, taasoo si cad u bidhaamineysay dhaqaalaha ku maqan Farmaaajo oo muddo xileedkiisu ku ekaa 8- February ee sanadkan. 

Warar Keydmedia Online
Halkee ku baxday Lacagta dowladda Farmaajo lunsatay?

MUQDISHO,Soomaaliya - Warbixinta ayey ku xusnayd in wadar ahaan $373 milyan oo dollar, ay lunsadeen Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada, waxana lacagtaasi ku jirtay 17 milyan oo dollar, taasoo deeq ahaan caalamka uga timid.

$278 milyan, ayaa badankeed ka soo xarootay safaaradaha ay Soomaaliya ku leedahay dunida, kuwaasoo dadka ka shaqeeya oo aan aqoon lagu xulan, ay yihiin kuwa ay qorteen Farmaajo iyo Fahad, ehel ahaana aad ugu dhaw labadooda, waxana jirta  in dhaqaalaha ay qabtaan ay si gaar ah ay ugu soo hagaajiyaan qasnad ay leeyihiin labadan nin.

Xogta uu hanti dhowrka la wadaagay bulshada, ayaa sidoo kale lagu caddeeyey in qasnad ka duwan, tan Bankiga dhexe lagu shubay lacagta ku maqan hoggaanka waqtigiisu dhacay ee fadhiya Villa Soomaaliya.

Warbixintan ayaa xaqiijineysa dhab ahaanshaha, hadal soo baxay sanadkii ugu horreeyey ee uu Farmaajo hantay kursiga, taasoo sheegeysay in isaga iyo Fahad ay furteen akoon cusub, kaasoo ay ugu dhaceyso lacagaha ay masuq-maasuqaan.

Sidoo kale lama ogga habkii loo maareeyey $78 milyan oo dollar, taasoo ay siiyeen Maamul Gobleedyada, waxana arrinta rasmiga ah ay tahay in Farmaajo iyo Fahad ay saameyn ku lahaayeen habkii loo maareyey lacagtaasi, iyagoo inta ugu badan siiyey Saciid Dani iyo Axmed Madoobe, si ay uga qafiifiyaan caddaadiska dhanka doorashadda, taasoo markii ay bixiyeenna lagu ballan furay.

Qoor-Qoor, Lafta-Gareen, Guudlaawe iyo Cumar Finish oo aad u han yar, lexe jeclo badanna u qaba kursiga ayey lacagtaasi ka gaartay $30 milyan oo dollar, taasoo ay ku qanceen, sababo la xiriira in aan kursiga laga tuurin, halka $48-da milyan, ee kalana la siiyey hoggaannada Puntland Iyo Jubaland, kuwaasoo ilaa iyo maanta aan qorshahooda ka tanaasulin, iskuna raacsan in doorashadda ay isku gacan siiyaan.  

Warka ka soo yeeray hanti dhowrka ma ahayn mid farxad galiyey, hoggaanka sida sharci darrada ku fadhiya Madaxtooyada, waana mid bidhaamineysa boobka uu ku hayo dhaqaalaha dalka, xilli uu mar walba fagaarayaasha ka sheego inuu la dagaalamayo masuq-maasuqa.

Walaac dheeri ah ayey xogtan ku abuurtay, Beesha caalamka, oo kolkii horreba tuhusanaa Farmaajo iyo Fahad, waxana iminka daruuro hubanti la'aanayd ay hareeyeen mustaqbalka Soomaaliya iyo kalsoonida ay saaxiibada taageera ku qabeen hanaanka dowladnimo, maadaama aysan waxba iska baddelin masuqa ragaadiyey dalka, kaasoo Soomaaliya 30-kii sano ee ugu danbeysay ka dhigay mid kaalmaha hore kaga jira meelaha ugu musuq-maasuqa badan caalamka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.