Keydmedia Exclusive: Hanti Boob ka Socoda Madaxtooyada // Shaqaalihii Shariif Axmed oo ku lug leh

Muqdisho (KON)- Xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya ee Muqdisho waxaa ka socda boob xooggan oo lagu haayo hantida qaranka gaar ahaana Dikumintiyo muhiim ah, ayadoona ay arrintaasi ku lug leeyihiin qaar kamid ah shaqaalihii Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.
Warar Keydmedia Online

Boobkaan lagu haayo hantida qaranka ee ka socda Madaxtooyada Soomaaliya kama warhaayo Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud.

Mursal Saneey waa Madaxa Paratakoolka Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, waxaana ay warar sheegayaan in ninkaasi uu ku lug leeyahay gurasha Dukimintiyada iyo waraaqaha muhiimka ah ee yaalay madaxtooyada Qaranka.

Mursal Saneey oo dhowr jeer uu eryay Shariif Sheekh Axmed balse dib loo shaqa galiyay, ayaa hadda ku eedeysan inuu ku lug yeeshay ka ganacsiga Visaha wadanka Turkiga , markii laga helay xafiiska Safiirka Turkiga ee Muqdisho qoraalo isdaba joog ah oo codsi viso ku saleysan, kuwaa oo ay ku safreen dad u badan dhalinyaro rag iyo dumar iskugu jiray. 

Faahfaahin fillo dhawaan

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.