Haraadigii Farmaajo oo doonaya in ay dalka bur buriyaan

Maafiyadii laga saaray Madaxtooyada ee uu hoggaaminayey Farmaajo, ayaa weli u muuqda kuwa aan ka tanaasulin damacoodii ahaa bur burinta nidaamka dowladnimo ee dalka.

Warar Keydmedia Online
Haraadigii Farmaajo oo doonaya in ay dalka bur buriyaan

MUQDISHO, Soomaaliya- Farmaajo oo sifo sharci darro muddo sanad ka badan ku fadhiyey Madaxtooyada, ayaa weli u muuqda mid u ciil qaba bur burinta nidaamka dowladnimada Soomaaliya iyo daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Koox tiro yar, oo uu xildhibaanno ka dhigay, ayuu shalay damcay inuu ku arbusho fadhigii barlamanka isagoo u soo dhiibay mooshin ka dhan ah xukuumadda curdunka ah.

Lafta-gareen oo ka mid ah, dadkii uu sida xoogga ah ku saaray kuraasta, ayaa Farmaajo kala shaqeeyey, qorshihii shalay fashilmay ee lagu carqaladeynayey fadhiga barlamanka.

Arrimahaan ayaa ah kuwo muujinaya, in ay weli jirto cabsidii laga qabay maafiyadii xukunka laga eryey, ee ay hor boodayeen Farmaajo iyo Fahad.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa ku talinaya, in dowlada cusub, ay ka gaashaamato hagar daamada ay dadka Soomaaliyeed la damacsan yihiin Farmaajo, Fahad iyo xulafadooda, kuwaas oo haba yaraatee aan lahayn dal jaceyl iyo turiinsho midnaba.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.