HARGEYSA: Nin Oromo ah oo feer ku dilay wiil 22 jir ah

Dilkan xalay ka dhacay magaalada Hargeysa ayaa noqonaya kii labaad ee ceynkiisa ah oo 24-saac gudahood ka dhaca magaalada, xilli habeen ka hor sidaan oo kale dil toorey loo adeegsaday uga dhacay gudaha hotel kale oo kuyaalla magaalada.

Warar Keydmedia Online
HARGEYSA: Nin Oromo ah oo feer ku dilay wiil 22 jir ah

HARGEYSA, Soomaaliya – Sida lagu sheegay war ka soo baxay booliska Somaliland, nin kasoo jeeda qoomiyadda Oromada Itoobiya ayaa xalay feer iyo jilib ku dilay wiil 22 sanno jir ah oo ka mid ahaa dhallinyarada ku dhaqan magaalada Hargeysa.

Aamiin Siciid Sidiiq oo 22 jir ah ayaa geeriyooday kadib markii uu qeybaha halista ah ee jirka feer kaga dhiftay Ifsa Axmed Shariif oo ka mid ah Itoobiyaanka ku sugan magaalada Hargeysa,  Dilkaan ayaana ka dhacay illinka hore ee Guuleed Hotel.

Warka ka soo baxay booliska waxaa lagu sheegay in ciidanku ay ku guulaysteen in ay gacanta ku dhigaan eedaysanaha loo haysto dilka wiilka dhalinyarada ah, kaas oo goobta uu dilka ka dhacay ka baxsaday kadibna lagu soo qabtay howlgal.

“Ciidanka Booliska JSL  ayaa caawa gacanta ku soo dhigay eedaysane Ifsa Axmed Shariif oo ku eedaysan ina uu dilay Aamiin Siciid Sidiiq oo 22 jir ah, eedaysanahan oo ka soo jeeda qoomiyada Oromada”. Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay booliska.

Dad ugu badan oo ka soo jeeda Oromada ee ku sugan gudaha dalka ayaa ku dhaqan Soomaliland iyo Puntland, sidoo kale degmooyin ka mid ah kuwa gobollada dhexe ayay ku sugan yihiin Oromo aan badneyn, dhowr jeer ayaana loo jeediyay eedo kala duwan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.