Haweenay Walxaha Qarxa wadatay oo lagu Qabtay Deegaanka Hoosingow

Kismaayo (Keydmedia) - Ciidamada Dowladda KMG ah ee ku suggan deegaanka Hoosingow ee galbeedka gobbolka Jubbada Hoose ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen qof dumar ah oo sidatay walxaha qarxa taasoo sida la sheegay ka timid dhanka magaalada Kismaayo.
Warar Keydmedia Online

Haweenaydaan ayaa la sheegay inay ka tirsan tahay Maleeshiyaadka kooxda Shabaabka, waxaana mar xog waraysi lala yeeshay ay sheegtay in walxaha qarxa ee loo soo dhiibay ay ku qarxin rabtay Ciidamada dowladda iyo kuwa Ciidamada Kenya deegaanka Hoosingow ee gobbolka Jubbada Hoose.

Aadan Ibraahim Dhaqane oo ah Gudoomiyaha Maamulka Dowladda ee Hoosingow ayaa warbaahinta Keydmedia u sheegay inay baaritaano ay hadda ku hayaan haweenayda lagu qabtay walxaha qarxa.

Haweenaydaan ayaa markii la qabanaayay waxaa ay la socotay baabuur xamuul ah kaasoo ka yimid magaalada Kismaayo kuna soo jeeday gobbolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Deegaanka Hoosingow waa deegaan marin ah oo ay istcmaalaan dadka iyo gaadiidka isaga kala goosha gobbolada Jubbooyinka ee Soomaaliya iyo gobbolka Waqooyi Bari Kenya, waxaana Hoosingow uu magaalada Kismaayo u jiraa 180KM.

Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.