Hay’ad maxalli ah oo agab caafimaad ku wareejisay DF

Hay'ad maxalli ah oo ka howlgasha Soomaaliya ayaa agab caafimaad oo lagula tacaalayo caabuqa Covid-19 ku wareejisay Dowladda Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Hay’ad maxalli ah oo agab caafimaad ku wareejisay DF

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo kamida hay'adaha maxalliga ah ee ka howlgala dalka Soomaaliya ayaa waxay ku wareejiyeen Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya 400 oo ah taangiyo cusub oo nooca la soo dhoofiyo ah.

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation ayaa markii hore waxay ugu deeqeen Isbitaalka Martiini (De Martino Hospital) 2,500 oo Oksijiin ah si loo yareeyo baahida Oksijiin ee ka jirta halkaas.

Tani waa qayb ka mid ah dadaallada lagu taageerayo goobaha caafimaadka si loo yareeyo qatarta xanuunka COVID19, islamarkaana baahiyaha isbitaalada lala qeybsanayo.

Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Maxamed Ibraahim ayaa ka guddoomay maamulka sare ee Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo deeqdan si rasmi ah ugu wareejiyay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.