Hay’adda Nabadsugidda oo Maanta Soo Bandhigtay Hub iyo Wiil Dhalinyara Ah oo Ay Soo Qabteen

Muqdisho (KON)- Hay’adda Nabadsugidda Dowladda Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay wiil dhalinyaro ah oo ay sheegtay in uu katirsan yahay xarakada Al shabaab iyo hub kala duwan oo laga helay guri ku yaalla xaafadda Gubta ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online

Khaliif Axmed Ereg Taliyaha hay’adda Nabadsugidda ee gobolka Banaadir ayaa warbaahinta u sheegay in wiilkaan dhalinyarada ah laga soo qabtay xaafadda Gubta ee degmada Dayniile, isagoo sheegay in wiilkaan uu u sheegay inuu ka tirsanaa Militariga kooxda Shabaab.

Waxaa uu Mr Ereg intaasi ku daray in xaafada wiilkaan laga soo qabtay ay sidoo kale ka soo qabteen hub aad u tiro badan, waxaana jra ragg badan oo ay ku daba joogaan.

Wiilka dhalinyarada ah oo isagana saxaafadda la hadlay ayaa qirtay in uu katirsan yahay Kooxda Shabaab , waxaana uu intaasi ku daray in uusan waxba ka ogeyn hubka laga soo saaray guriga laga soo qabtay.

Ciidamada Nabadsugida ayaa waxaa ay magaalada Muqdisho ka wadaan howlgallo ballaran oo ay ku soo qabanayaan qofkii dambi leh iyo kii aan dambi lahayen, waxaana narka dadkaasi la soo qabto lagu xiraa xabsi ku yaala xarunta hay

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.