Heshiis laga gaaray Dagaalkii Shabellaha Hoose

Marka (KON) - Xili dhawaan Dagaal Beeleed u dhaxeeya Labo Maleeshiyo Beeleed ee Dagan Gobolka Shabellaha Hoose uu Qeybo ka mid ah Gobolka uu Dagaal ku dhexmaray ayaa Heshiis Hordhac ah laga Gaaray Dagaalkaasi.
Warar Keydmedia Online
Heshiis laga gaaray Dagaalkii Shabellaha Hoose

Odayaal ka soo kala jeeda Gobolada Baay, Bakool, Shabellaha Hoose iyo Banaadir ayaa Dhinacyadii dagaalamay kala dhexdhigay Heshiis Hordhac ah, Heshiiskaa oo ku aadanaa in Xabada La joojiyo islamarkaana Dadkii Gobolka Dagaalka uga Cararay dib loo soo celiyo.

Diirshe Cumar Warsame oo ka mid ah Odayaasha u Baxay Xalinta Dagaalka ayaa Keydmedia Online u sheegay in Labada Dhinac ay qaateen Heshiiska Hordhacaa.

“Waxaan Joojinay Xabadii, kadib waxaa noo xigi Doona in aan Maleeshiyada Dagaalamay kala Qaadno, Xalka waxa gaaray waa Odayaal is xilqaamay, Dowladda Federaalka Soomaaliya naguma waheliso Arrinta” Ayuu yiri Diirshe Cumar.

Gobolka Shabellaha Hoose Qeybo ka mid ah ayaa waxaa ka dhacay Dagaal u dhaxeeya Labo Maleeshiyo Beeleed oo Gobolka Wada Daga, kaasi oo salka ku haaya Beero iyo Dhul kuyaala Gobolka.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.