KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia waxaa goordhow lagu soo gabagabeeyay xafladda heshiiska dowladda Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe.
Qodobada lagu Heshiiyay ayaa ah kuwaan Saakay iyo Shalay soo Qornay, waxaana Galabta si rasmi ah Warbaahinta loo bandhigay Heshiiska.
Heshiiskan ayaa wuxuu dhigayaa in maamulkan KMG ah (2 Sano) ee lagu magacaabo Maamulka ku-meel-gaarka ah ee Jubba uu hoggaamiyo, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Maleshiiyaada Raaskambooni ee ku sugan Kismaayo la qarameeyo iyo in maamulkan oo ah mid KMG ah uu jiro muddo laba sano ah, kaddibna la sameeyo maamul rasmi ah oo gobolladaas ay yeeshaan.
Waxaa kaloo lagu Heshiiyay sidaan Sakaay soo qornay in 3 Guddoomiye ku xigeen iyo 3 Guddoomiye Gobol oo Maamulayo Gobolada Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gobolka Gedo loo sameeyo Maamulka Jubba iyo in Shir dib u heshiisiineyd lagu qabto Magaalada Muqdisho.
Dekedda iyo Garoonka Kismaayo waxaa maamuli doona maamulka KMG ah ee Jubba muddo ku Lix bilood ah, kaddibna dowladda ayaa la waregeysa.
Keydmedia Online - Wakiilka Xafiiska Nairobi oo haatan ku sugan Addis Ababa
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.