KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowlada Suudan ay tababari doonto Ciidamada Booliska Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa xusay in dhawaan magaalada Muqdisho ay soo gaari doonaan Farsama yaqaano ka socda Boliiska Dalka Suudaan kuwaas oo qiimeyn ku samayn doona hawlaha farsamo ee ay u baahan yihiin Ciidamada Boliiska Soomaaliya.
“Heshiisyada aan lasoo galnay Suudaan waxaa ka mid ah inaan yeelanno iskaashi laba geesood ah oo labada dal ka dhexeeya, in la sameeyo guddiyo farsamo, in nagala caawiyo biyaha iyo waraabka, iyo dhismaha hay’adaha dowladda,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Sidoo kale Dowlada Suudan ayaa Soomaaliya ka Caawin doonto dib u dhiska Bankiga iyo hay’adaha xisaabaadka.
Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.