Hiiraan oo dhoola tus ciidan laga sameeyay

Muqdisho(keydmedia) Magaalada Baledweyne ee gobalka Hiiraan oo maalmahanba ay ka socdeen dagaalo u dhaxeeya xoogaga mucaaradka iyo ciidamo ka tirsan dowladda ayaa maanta waxaa ka dhacay dhoolatus milatari oo balaaran.
Warar Keydmedia Online

Dhoolatuska ayaa waxaa ka sameeyay Magaalada Baledweyn ee gobalka Hiiraan ciidamo ka tirsan kooxda uu hogaamiyo Axmed Godane waxaana ay sheegeen xubno ururkaasi in ciidamada lagu xoojin doono kuwa ka dagaalama gobalada kale duwan ee dalka gaar ahaan gobalkaasi.

Dhawaanahaba waxaa Magaalada Baledweyne ee gobalka Hiiraan ka socday dagaalo sababay qasaaro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray shacabka sababay, iyadoona labada dhan ee dagaalka u wada bareeray qasaaro xoog leh uu kala gaaray.

www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.