Hindise Sharciyeedka NISA oo loo qeybiyay Gollaha Wasiiradda

RW Xamza ayaa warbixin ka siiyay Gollaha Wasiiradda waxyaabihii uu kusoo arkay degmada Aadan Yabaal, oo dhawaan laga saarey Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Hindise Sharciyeedka NISA oo loo qeybiyay Gollaha Wasiiradda

MUQDISHO, Soomaaliya - Markii ugu horeysay tan iyo aas-aaskeedii 2013, NISA sharciyadda ay ku shaqeyso ayaa Maanta la horgeeyay Gollaha Wasiiradda, oo dood adag ka yeeshay.

Hindise sharciyeedka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa waxaa Gollaha u qeybiyay wasiirka Amniga si loo akhriyo, iyadoo marka la ansixiyo loo gudbin doono Baarlamaanka.

Waxaan maanta shir guddoomiyay kulanka todobaadlaha ah RW Xamza, oo warbixin Golaha ka siiiyay Safarkii uu shalay ku tagay Degmada Aadan Yabaal, ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wuxuu RW Xamza ayaa sheegay inay ka jiraan degmada baahiyo fara badan, isagoo amray Wasaaradaha ku shaqadda leh inay u howl galaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen.

La wareegista Aadan Yabaal waxay ahayd Guul-weyn oo laga gaarey dagaalka ka socda dalka, kaasoo uu ku dhawaaqay MW Xasan Sheekh August 2022 kadib weerarkii Hayat hotel.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.