HirShabeelle oo ka hor-timid amarka RW Rooble

Maamulka HirShabeelle ayaa cadeeyay inuu Farmaajo Ciidanka usoo diray Beledweyne kadib markii Cali Guudlaawe ka dalbaday.

Warar Keydmedia Online
HirShabeelle oo ka hor-timid amarka RW Rooble

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed, ayaa sheegay in aysan u ogaansami doonin Ciidanka la geeyay Beledweyne amarka RW Rooble.

Wuxuu cadeeyay in Ciidanka ay ku tageen Beledweyne amarka Farmaajo, islamarkaana aysan waxba ka khuseynin Xukuumadda Rooble, oo Khamiistii amar ku bixisay in laga soo saaro.

Ciidamada tagay Beledweyne waxay ka amar qaataan Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana la geeyay magaaladda kadib dalabka Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Dabageed wuxuu xusay in ujeedka Ciidanka loo geeyay Beledweyne ay tahay in la isku furo wadooyinka xiriiriya degmooyinka gobolka Hiiraan, oo Kooxda Al-Shaabaab go'doomisay.

Hadalka Yuusuf Dabageed ayaa muujinaya in MD hore Farmaajo uu weli yahay taliyaha-guud ee Ciidanka qalabka sida, iyadoo uu mudo-xileedkiisa dastuuriga dhamaadey sanad kahor.

Ciidanka Gorgor iyo Haram'ad ayaa la ogyahay  Farmaajo u adeegsado boobka doorashadda, caburinta Mucaaradka iyo Saxaafadda, waxaana si toos ah ay ugu milmeen siyaasadda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.