KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Afar Musharax oo uu ku jiro Cali Guudlaawe, oo Madaxweyne ku xigeen u ahaa Waare ayaa tartamaya.
JOWHAR, Soomaaliya - Xildhibaanada Hirshabeelle, ayaa Maanta dooranaya Madaxweyne cusub, oo noqonaya midkii 3aad oo Maamulkan yeesho tan iyo 2016.
Afar Musharax ayaa u kala tartamaya xilalka Madaxweynaha iyo ku xigeenka, waxaana codeynaya 90 Xildhibaan, oo hoolka doorashada ku sugan.
Madaxweynaha waxaa u sharaxan Cali Guudlaawe iyo Cabdiraxmaan Jimcaale, iyadoo Yuusuf Daba-Geed iyo Maxamed Maxamuud Cabdulle u taagan yihiin Madaxweyne ku xigeen.
Xildhibaanada cusub ayaa u badan xubno katirsan NISA, oo la filayo inay u codeeyaan Musharaxa Villa Somalia.
Faragelinta DF ee doorashooyinka Maamul Goboleedyada waa mid soo socotay tan iyo markii Farmaajo Madaxweyne ka noqday dalka Feburary 2017.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.