HirShabeelle: Xildhibaanada cusub oo la dhaarinayo

Waxay Xildhibaanada kusoo baxeen hanaan musuq-maasuq ah, iyagoo aan ku imaan kursiga qaab doorasho ah, balse ay soo xuleen shaqsiyaad saameyn ku leh HirShabeelle.

Warar Keydmedia Online
HirShabeelle: Xildhibaanada cusub oo la dhaarinayo

JOWHAR, Soomaaliya - Waxaa magaaladda Jowhar maanta ka dhacaysa munaasabad lagu dhaarinayo Xildhibaanada cusub, ee maamulka HirShabeelle kuwaasoo maalmo kahor lagu dhawaaqay, iyadoo tiradoodu gaarayso 90.

Amniga magaaladda ayaa aad loo adkeeyay, waxaana goobta dhaarinta ka dhacayso lagu arkayaa Cidiamada katirsan dowladda Federaalka, oo dhawaan la geeyay Jowhar, si ay faragelin ugu sameeyaan doorashadda.

Xildhibaanada ayaa dhaarta kadib, waxaa la filayaa inay billaabaan kulamo ay ku dooranayaan gudoomiye baarlamaanka iyo ku-xigeen, iyagoo kadibna magacaabaya gudiga doorashadda Madaxweynaha, sida uu dastuurka qabo.

Waxaa la ogaadey in Xildhibaanada ay kusoo baxeen hanaan musuq-maasuq ah, iyagoo aan ku imaan kursiga qaab doorasho ah, balse ay soo xuleen shaqsiyaad saameyn ku leh HirShabeelle.

November 5 ayaa loo balansan yahay in la doorto gudoonka baarlamaanka, waxaana jadwalka uu yahay in Madaxweynaha la doorto islama bishan nagu soo food leh, maadaama December loo balansan yahay doorashadda heer qaran.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.