Hogaamiye katirsanaa Al-Shabaab oo isa soo dhiibay

Taliyaha guutada 16-aad ee DANAB Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay in horjooge Caato ay soo dhaweeyeen, islamarkaasna ay u gudbin doonaan Hay"adaha ku shaqada leh.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in uu isa soo dhiibay horjooge sare oo kamid ahaa Al-Shabaab, kadib markii uu xiriir lasoo sameeyay Ciidamada DANAB ee ka howlgalaya gobolka Shabeellaha Hoose.

Maxamed Abukar Maxamed Dhagoole, oo gudaha Al-Shabaab looga yaqaaney {Caato} ayaa u qaabilsanaa Kooxda Maaliyaada Gobolka Shabeelaha Hoose, ee Koonfurta Soomaaliya halkaasi oo ay ka socdaan howlgallo ay iska kaashanayaan Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

Taliyaha Guutada 16-aad ee DANAB Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay in horjooge Caato ay soo dhaweeyeen, islamarkaasna ay u gudbin doonaan Hay"adaha ku shaqada leh, ee qaabilsan dhaqan-celinta iyo baaritaanka xubnaha Al-Shaabab kasoo goosta.

Ma jiro wax war ah oo dhanka Al-Shabaab kasoo baxay oo xaqiijinaya ama beeninaya warka isa soo dhiibidda horjoogaha.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.