Hoggaamiye ceynkee ah ayey shacabku rabaan in loo dooro?

Shacabka Soomaaliyeed ayaa maanta indhaha ku haya shaashadaha, iyagoo ka dhursugaya natiijada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Hoggaamiye ceynkee ah ayey shacabku rabaan in loo dooro?

MUQDISHO, Soomaaliya- Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa toos uga socota teendhada Afisiyooni, waxaana iminka lagu guda jiraa tirinta codadka wareega koowaad.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa filaya in loo dooro hoggaamiye leh qibrad, kaas oo ka samata bixiya dhibaatooyinkii ay ka dhaxleen xukunka Farmaajo.

Magaalada ayaa bandow ah, iyadoo shacabka ay guryahooda ku daawanayaan doorashada socota.

Ciidamo fara badan ayaa lagu arkayaa hareeraha wadooyinka ay caasimadu ka kooban tahay, waxaan xaniban isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Ciidamada howlgalka ATMIS ayaa ah kuwa keliyah ee xaqiijinaya amniga halka ay doorashadu ka socoto.

Saxaafada Soomaaliyeed ayaa culeys kala kulantay billawgii doorashada, iyagoo loo diiday in ay gudaha u galaan teendhada Afisiyooni, inkastoo markii danbe loo oggolaaday.

Si kastaba waxaa laga dhursugayaa natiijada doorashada oo qaadan doonta dhowr wareeg, lamana saadaalin karo musharraxa soo bixi doono.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.