KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Hoggaanka Xisbiyada mucaaradka Somaliland Wadani iyo Ucid ayaa ku dhawaaqay isbahaysi cusub oo ay sameysteen kaddib guulihii ay ka gaareen doorashooyinkii golayaasha degaanka iyo wakiilada.
HARGEYSA, Soomaaliya - Hoggaanka Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee WADDANI iyo UCID ayaa ku dhawaaqay isbahaysi ay ku hananayaan hoggaaminta Golaha Wakiillada iyo maayarrada magaalooyinka dalka.
Labada Xisbi ayaa haysta aqlabiyadda xildhibaannada Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha deegaannada magaalooyinka waaweyn ee muhiimka ah.
Xisbiyada mucaaradka ayaa helay 52 kursi halka xisbiga talada haya ee Kulmiye uu isna helay 30 kursi taasoo ka dhigan in aqlabiyadda kuraasta ay heleen xisbiyada mucaaradka.
Guddoomiyaha Golaha wakiilada iyo Maayarada labada magaalo ee ugu weyn Somaliland ee kala ah Hargeysa iyo Berbera ayaa ka imaan doona xisbiyada Mucaaradka haddii ay ku heshiiyaan.
Halkan hoose ka akhriso magacaabidda xubnaha ay wadajirka usoo saareen labada xisbi ee mucaaradka:

KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.