Hoobiyayaal lagu garaacay Xarunta Baarlamaanka

Markii ay Guddoomiyayaasha Qababqaabada Doorshooyinka sheegeen in diiwaam gelinta Musharaxiintu bilaabaneysa maalinta berri oo ku beegan 19 April, waxaa buuq golaha ka dhex billaabay, Kullane Jiis, Cabdishakuur Cali Miri iyo saraakiisha NISA.

Warar Keydmedia Online
Hoobiyayaal lagu garaacay Xarunta Baarlamaanka

MUQDISHO, Soomaaliya – Sida ay Keydmedia Online u xaqiijiyeen, xubno ka mid ah Hab-dhowrayaasha Baarlamanka Golaha Shacabka, tiro madaafiic ah ayaa  ku soo daadatay Villa Hargeysa, xilli lagu gadajiray dhageysiga warbixinta ku saabsan hawlaha u qabsoomay iyo kuwa soo socda ee Guddiga Qabanqaabada Doorashooyinka Guddoonnada Golayaasha.

Ka hor inta aan xarunta lagu garaacin hoobiyayaasha, waxaa la meel mariyay wax ka baddelka Habraaca ku-meel-gaark ah ee u gaarka ah Doorashooyinka Guddoonka labada Gole iyo Madaxweynaha, waxaana la siyaadiyay lacagta is diwaangalinta musharaxiinta u tartamaya Madaxweynaha iyo Guddoonka Golayaasha Baarlamaanka 11-aad ee JFS.

Lacagta is diwaangalinta Musharrixiinta xilka Guddoomiyaha waxaa laga dhigay 20kun oo dollar, horeyna waxay u ahayd 15kun, Mjusharrixiinta u tagan jagada Guddoomiye kuxigeenada waxaa laga qaadayaa 15kun oo dollar, waxaana horey u ahayd 10kun, halka midda Madaxweynaha laga dhigay 40kun oo dollar, markii horena waxay ahayd 30kun.  

Siddoo kale, Guddoomiyayaasha Qababqaabada Doorshooyinka Guddoonka Golayaasha, ayaa warbixintooda ku sheegayin Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa dhaceyso 27 bishan April, halk doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare ay dhici doonto 26 April, kadibna waxaa soo daatay madaafiicda taasoo keentay in Golaha lagu kala dareero.

Markii ay Guddoomiyayaasha Qababqaabada Doorshooyinka sheegeen in diiwaam gelinta Musharaxiintu bilaabaneysa maalinta berri oo ku beegan 19 April, waxaa buuq golaha ka dhex billaabay, Kullane Jiis, Cabdishakuurali Miri iyo saraakiisha NISA, kuwaas oo KON, hore u sheegtay in ay fowdo ka dhex sameyn doonaan Golaha, fadhiga maanta.

Keydmeida Online, waxa ay hore u baahisay in Fahad iyo Farmaajo doonayaan, in ay baajiyaan ansixintii ajandaha, si dib loogu dhigo doorashooyinka Guddoonnada, hayeeshee, markii ay ku fashilmeen tallaabadaas, waxa ay ku baddaleen in ay madaafiic ku garaan xarunta Baarlamaanka, oo ku taalla goob ammaan ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.