Hoobiyayaal lagu weeraray teendhada ay doorashadu ka socoto

Weerar hoobiyayaal ah ayaa lagu qaaday, agagaarka teendhada Afisiyooni, oo ah halka ah doorashadu ka socoto.

Warar Keydmedia Online
Hoobiyayaal lagu weeraray teendhada ay doorashadu ka socoto

MUQDISHO, Soomaaliya- Hoobiyayaal tiradoodu gaareyso ilaa 3, ayaa lagu weeraray aagga teendhada Afisiyooni oo ay ka socoto doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Dhawaqa hoobiyayaashan ayaa laga maqlay inta badan xaafadaha Muqdisho, lamana ogga khasaaraha rasmiga ah ee ay geysteen.

Hoobiyayaashan ayaa ku dhacay agagaarka Hotel Decale oo ku dhex yaalla gudaha garoonka Muqdisho.

Al Shabaab ayaa hore wacad ugu martay in ay carqaladeyn doonaan doorashada Soomaaliya, waxaana la rumeysan yahay in weerarkan ay iyagu ka danbeeyeen.

Weerarkan hoobiyayaasha ah, ayaanan saameyn ku yeelan doorashada ka socota teendhada Afisiyooni, waxana lagu wadaa in saacadaha soo socda la guda galo wareega labaad ee doorashada.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.