Hoos u dhac xooggan oo ku yimid dhaqaalaha dalka

Hoos u dhaca dhaqaalahaan ayaa imaanaya xilli dalka ay weli saarantahay xayiraad dhanka duulimaadyada caalamiga ah iyo xudduudaha ah.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in hoos u dhac xooggan ku yimid dhaqaalihii dawladda tan iyo Maarso 2020 markii wadanka uu ka dilaacay caabuqa COVID-19.

Wasiir Beyle ayaa xusay inay hakatay canshuurtii laga qaadi jiray Garoonka diyaaradaha Muqdisho wixii kasoo degi jiray, oo ka mid ahaa ilaha dhaqaale oo ay dowladda Soomaaliya ku tiirsantahay, isagoo tilmaamay in haatan loo baahday in kab Miisaaniyadeed la weydiisto dalalka caalamka ee taageera Soomalaiya.

Waxaa uu sheegay in is bedel lagu sameeyay Miisaaniyadda dalka, kadib markii 70 milyan uu hoos u dhac ku yimid  daqligii kutalagalka ahaa ee u degsanaa Dowladda Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.