Hooyo 5 Caruur ah ku dhashay Isbitaal ku yaalla Muqdisho

Hooyo Soomaaliyeed ayaa Alle ugu deeqay shan caruur ah, oo hal mar ku dhashay Isbitaalka Digfeer, ee magaaladda Muqdisho, kaasoo ay maamusho Hay'ada laga leeyahay Turkiga.

Warar Keydmedia Online
Hooyo 5 Caruur ah ku dhashay Isbitaal ku yaalla Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho ku umushay maalmo kahor Hooyo, taasoo dhashay hal mar 5 caruur ah, kuwaasoo hadda xaaladooda caafimaad ay wanaagsan tahay.

Maamulka Isbitaalka ayaa shaaciyay dhalashada shanta caruur, oo ah mid kamid ah dhalashooyinka dhif iyo naadirka ah ee adduunka.

“Hooyada waxay ku umushay cisbitaalkeena 5 caruur ah ayay dhashey, oo kamid ah dhalmada ugu halista badan adduunka,” ayuu isbitaalka soo dhigay bartiisa Twitter-ka Isniinta.

Hooyada iyo shanteeda cunug caafimaad ayey qabaan “waxaa mahad leh howlwadeenada caafimaad ee suurta gal ka dhigay arintaan.”

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa daah-furay Isbitaalka Tababarka iyo Cilmi baarista ee Ex- sanadkii 2015.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.