Hooyo dhashay lix caruur ah oo lagu dilay Muqdisho

Haweeney dhashay lix caruur ah, ayaa subaxnimadii hore ee maanta lagu dilay Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Hooyo dhashay lix caruur ah oo lagu dilay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya- Rag ku hubeysan tooreey ayaa saakay xaafada Raadeerka ee degmada Deyniile ku dilay haweeney dhashay lix caruur ah.

Hooyada tooreyda lagu dilay, ayaa magaceeda lagu sheegay, Qamar Yuusuf Cali, waxaana burcadii dishay, ay doonayeen in ay dhac u geystaan.

Burcada falka geysatay ayaa goobta isaga baxsaday, ka hor inta aanay halkaasi, gaarin ciidamo ka tirsan kuwo degmada Dayniile, oo sameeyey baaritaano aan cidna lagu soo qaban.

Mudooyinkii ugu danbeeyey waxaa kordhayey falalka naxdinta leh, ee ku soo badanaya Caasimadda, waana dhacdooyin muujinaya amni heerka ay mareyso amni darrada jirta.

Maalmo ka hor ayey ahayd markii tooreey lagu dilay, gabar ka mid ahayd ardaydii sanadkan dhameysatay dugsiga sare, wallow dhagar qabihii dilay gacanta lagu soo dhigay.

Shacabka caasimadda ku nool ayaa walaac xooggan ka muujinaya amni darrada sii baaheysa, xilli caawa magaalada ay ka dhaceen qaraxyo lagu weeraray huteel ku yaalla aggagaarka KM4.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.