KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Abaaraha ayaa sidoo kale sababay dhimashada in ka badan 700,000 oo xoolo ah laba bilood gudahood, sida ay sheegeen hay'adaha samafalka caalamiga ah.
BAKOOL, Soomaaliya - Hooyo iyo labo caruur ah oo ay dhashay ayaa gaajo iyo haraad ugu geeriyooday degaanada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, iyadoo maamulka uu ka digay in dad kale ay u dhintaan abaarta ka jirta gobolka Bakool.
Guddoomiyaha Rabdhuure Maxamed Kheyr Salaad oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in degmadaasi ay saameyn xooggan ku yeelatay abaarta, wuxuuna sheegay inuu ka cabsi qabo in dad badan ay u dhintaan biyo la’aan iyo cunto yari iyo waliba nafaqo darro.
Gobolka Bakool waxaa go'doomisay kooxda argagixisada ah ee xiriirka la leh al-Qaacida ee Al-Shabaab 8-dii sano ee la soo dhaafay, taasoo keentay in dadka aysan u suurtagelin in gargaar bini'aadantinimo loo mariyo waddooyin.
Habka kaliya ee lagu gaari karo dadka ay dhibaatadu ka soo gaartay go’doominta waa hawada ama waddooyinka kasoo gala Bakool dhanka xuduudka Itoobiya,” ayuu yiri.
Waxuu intaas ku daray in xaalada hadda jirta ay tahay mid ka baxsan awooda maamulka Gobolka, maadaama gargaar malaayiin qof ay u baahan yihiin gargaar bini’aadantinimo oo deg-deg ah, isagoo baaq u diray dowladda iyo hay'adaha caalamiga.
In ka badan 4.3 milyan oo qof ayaa u baahan gargaar bini'aadantinimo dalka Soomaaliya, sababo la xiriira abaarta ka dhalatay is-beddelka cimilada, oo sababay abaarihii ugu xumaa ee soo mara muddo tobanaan sano ah.
Abaaraha ayaa sidoo kale sababay dhimashada in ka badan 700,000 oo xoolo ah laba bilood gudahood, sida ay sheegeen hay'adaha samafalka caalamiga ah. Dowladda ayaa horay ugu dhawaaqday in abaarta ay tahay xaalad bini’aadantinimo.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.