Hooyo Sadax Caruur ah ku Dhashay Muqdisho / DAAWO SAWIRO

Keydmedia Online Exclusive: Hooyo Gani Cabdi Sahal Xasan oo ah hooyo ku dhibaateesan magaalada Muqdisho isla markaana dhashay sadax caruur ah hal mar ayaan ku booqanay isbitalka Dayniile, si aan xaaladeeda ugu soo bandhigno aqristayaasheena.
Warar Keydmedia Online

 

Inkastoo dhaqaatiirta isbitalka Dayniile ay xaaladeeda caasimaad ay la tacaalayaan Hooyo Gani Cabdi ayaa hadana waxaa xiligaani heesta dhibaato xaga nolosha ah.

Dhibane Gani Cabi Sahal oo laga keenay Miyga isla markaana ku umushay isbitalka Dayniile ayaa sheegtay in xiligaan ay u baahantahay in dadka Muslimiinta ah ay gurmad u soo fidiyaan.

Sidoo kale Aabe Cabsi Sahal oo ah Aabaha dhalay hooyadaan dhiban ayaa sheegay inaysan jirin wax ay haayaan oo ay ku maareeyaan nolosha Caruurtaan mataanaha ah, wuxuuna sidoo kale uu sheegay in ay jiraan Shan kale oo caruur ah oo ay dhashay hooyadaan oo haatan lagu haayo deegaanka Lumber-50 ee gobalka Shabeelaha Hoose.

La soo xiriir @Keydmedia Online, hadii aad doonaysid in aad wax u qabatit Hooyadaan (Info@Keydmedia.net)


Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.