Hooyo sadax Caruur ah ku dhashay Muqdisho oo gar gaar codsanaysa

Muqdisho (KON) Hooyadaan oo lagu magacaabo Gani Cabdi Sahal Xasan ayaa Sadax Caruur ah waxay hal mar ku umushay Isbitalka Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online

Gani Cabdi ayaa haatan waxay dareemaysaa xaalad caafimaad daro iyo waliba mid nolol xumo, waxaana intaasi u sii dheer hooyadaan in qoyskeeda uu yahay mid sabool ah.

Aabaha dhalay sadaxdaan caruurta ah ayaa ku sugan deegaanka Lumber-50- ee gobalka Shabeelaha Hoose halkaasi oo uu ku haayo caruurta oo ay horay u dhaleen.

Dhibane Gani Cabi Sahal ma jirto wax ehel ah oo haatan ku haaya isbitalka degmada Dayniile ayada iyo waliba caruurteeda, waxaana caawiya oo kaliya shaqaalaha isbitalka.

Dadka Muslimiinta ah ee Ilaahay wax siiyay ayay ka codsatay Hooyo Gani in ay xiligaan gurmad deg deg ah ay u soo sameeyaan, maadaama ay xaaladeeda liidato.

La soo xiriir @Keydmedia Online, hadii aad doonaysid in aad wax u qabatit Hooyadaan (Info@Keydmedia.net)

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.