Horjoogayaal Kooxda Shabaab ka tirsan oo Maantay soo gaaray Magaalada Kismaayo

Kismaayo (Keydmedia) - Horjoogayaal isugu jira Soomaali iyo Ajaanib ka tirsan Kooxda Shabaabka ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobbolka Jubbada Hoose, ayadoona markii horjoogayaashaan ay magaalada soo gaareen ay bilaabeen "wacyi galin" iyo qeyllo dhaan ay dadka uga dalbanayaan inay dagaalka ka qeyb qaataan.
Warar Keydmedia Online

Horjoogayaashaan ayaa ka soo cararay degmada Afgooye oo ay kaabiga ku hayaan Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM kadib markii ay u babac dhigi waayeen awooda xooggan ee ku soo wahajan.

Waxaa ay u muuqdeen kuwo ku soo guul daraystay Dagaalka ay kula jiraan Ciidamada dowladda.

Lama ogaan karo magacyada iyo jagooyinka ay kooxda Shabaabka u hayaan Horjoogayaasha baxsadka ah ee Maanta soo gaaray Magaalada Kismaayo.

Xafiiska Keydmedia ee magaalada Kismaayo ayaa baaritaano ku wada Magacyada Horjoogayaashan soo gaaray Magaalada.

Wixii ku soo kordha kala soco Keydmedia.net 

Keydmedia - Kismaayo, Somalia

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.