KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Howlgalkaan ay Ciidamada Dowlada oo kaashanaya kuwo Ethiopia ay ku qaadeen Xaafada Horseed ee degmada Baydhabo, ay ku qabteen mid ka mid ah xubnaha ajaaniibta ah, kaasoo la sheegay inuu dhalasho ahaan ka soo jeedodalka Nejeria, Horjogahaan ayaa la sheegay inuu sidoo kale ka tirsan kooxda Boko Haram ee dalkaasi dhibka ka wada.
Xogtaan ayaa tilmaamtay in xiliga la qabanaayay Horjogahaan uu dhex jiifay guri ku yaal xaafadaasi, ilaa hadda lama yaqaano sababta keentay inuu dhex joogo gurigaasi isla markaasna uu si nabad ah u dhex jiifo.
Wararka ayaa sheegaya Saraakisha Nejeria ee ku sugan xarunta Amisom ee Xalane ayaa dalbaday in si deg deg ah loogu soo wareejiyo Ninkaasi, iyadoo haatan ay socdaan dadaalo lagu doonayo iney wareysiyo kula yeehsaan Horjogahaan ka tirsan Boko Haram ee Nejeria.
Keydmedia.net - Xafiiska Nairobi
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.