Howgalka AMISOM oo mudo-kordhin loo sameeyay

Ciidankii ugu horeeyay ee yimid dalka waxay ahaayeen kuwa Uganda 2007, waxaana ku xigay Burundi.

Warar Keydmedia Online
Howgalka AMISOM oo mudo-kordhin loo sameeyay

NEW YORK - Gollaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay Khamiistii in loo cusbooneysiiyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), oo ah Ciidan nabad ilaalin ah oo markii ugu horeysay la geeyay dalkan dhaca Geeska Afrika sanadkii 2007.

Qaraarkan oo UK u gudbisay Gollaha ayaa aad loo taageeray, iyadoo dhammaan xubnaha si aqlabiyad leh ku ansixiyeen in waqtiga loo kordhiyo howlgalka ka socda dalka ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab.

Howlgalka Midowga Afrika ee UN-ka ogolaanshaha ka haysta, wuxuu ka shaqeynayaa sidii loo dhisi lahaa awoodda Ciidan ee Soomaaliya, lana soo celiyo nabada iyo deganaashaha dalka oo mudo 30 sano dagaallo kusoo jiray.

AMISOM waxay ka kooban tahay 22,000 oo askari, Ciidamada waxay ka socdaan Kenya, Itoobiya, Uganda, Burundi iyo Jabuuti.

Zambia, Uganda, Ghana, Kenya, Nigeria iyo Sierra Leone ayaa ah lixda waddan ee booliska ku deeqay. Boolisa AMISOM waxay tababar siiyaan kuwa Soomaaliya.

AMISOM ayaa taageero ka siinaysay dowladda Soomaaliya la dagaalanka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab tan iyo Janaayo 19, 2007.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.