KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Mareykanka ayaa Saldhig ku leh Degaanka Sanguuni, oo 50-KM u jirta Kismaayo, halkaasi oo sanad kahor hal askari looga dilay, kuwa kalena looga dhaawacay weerar Al-Shabaab ku qaaday.
KISMAAYO, Soomaaliya - Fahfaahino dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan howlgal militeri oo laga fuliyay 24-kii saac ee lasoo dhaafay nawaaxiga magaaladda Kismaayo, kaasoo lagu beegsaday saldhig ay leedahay Kooxda Al-Shabaab.
Saraakiisha hogaaminaysay howlgalka oo qaar kamid ah la hadlay Keydmedia Online ayaa sheegay in duulaan qorsheysan ay ku qaadeen Al-Shabaab, kadib markii ay cabasho u soo gudbiyeen Shacabka ku nool tuulooyinka ku dhow Cabdalla Biroole.
Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa la sheegay in la kulmeen iska-caabin intii ay ku guda jireen howlgalkooda, iyadoo lagu soo waramayo inay dib ugu soo laabteen saldhigooda markii ay gaari waayeen goobaha dadka rayidka ah ku dhibaateyso Al-Shabaab.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.