Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay Mudug

Saraakiisha Kumaandooska DANAB ayaa sheegay in dhowr xubnood oo katitsan Al-Shabaab ay ku qabteen howlgalka oo laga fuliyay nawaaxiga magaaladda Hobyo, ee gobolka Mudug.

Warar Keydmedia Online

HOBYO, Soomaaliya - Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa DANAB ayaa duulaan ku qaadey Kooxda Al-Shabaab oo ku sugan degaan ku dhaw magaaladda Hobyo, ee gobolka Mudug, halkaasi oo dhaq-dhaqaaqyo militeri ay ka socdeen mudooyinkii dambe.

Dhowr xubnood oo kamid ah Al-Shabaab ayaa lagu qabtey howlgalka, kaasoo sidoo kale lagu burburiyay saldhigyo ay ku sugnaayeen, sida ay sheegeen Saraakiisha DANAB qeybta ka howlgasha gobolka Mudug, ee bartamaha Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.