KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Howlgallo ay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ka sameeyeen gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa lagu soo qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab.
SHABEELLAHA HOOSE, Soomaaliya - Ciidamada ku sugan furimaha hore ee dagaalka gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa howlgallo ka sameeyey qaar ka mid ah, deggaanada ay mudooyinkii ugu danbeeyey qabsadeen.
Howlgalladan ayaa xalay laga fuliyey deggaanada Bariire, Mubarak, Shaam-garre, Jowhar-yareey, iyo Toora-toorow, oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo lagu soo qabtay ilaa 6 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Saraakisha howlgalladan kaalinta ku lahaa qaarkood, oo warbaahinta la soo xiriiray ayaa sheegay, in saacadaha soo socda ay soo bandhigi doonaan raggaas, oo qeyb ka ahaa amni darrada ku baaheysa gobolka Shabeellaha Hoose.
Waxey xuseen in kuwa ay soo qabteen ay ku jiraan, rag in muddo ah la baadigoobayey, kuwaas oo qaarkood ahaa amiiro Shabaabka u qaabilsan gobolka ay colaaddu daashatay ee Shabeellaha Hoose.
"Howlgallada aan ku baacsaneyno Al-Shabaab, ayaan sii wadeynaa, ilaa inta aan ka ciribtireyno", ayuu yiri Taliyaha Guutada 17-aad ee Ciidanka Kumaandoosta Gor-gor Dayax Cabdi Cabdulle, oo la hadlayey mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho ku yaalla.
Ciidamada dowladda ayaa gacanta ku haya, qeybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose, balse Al-Shabaab oo deggaanadaas laga qabsaday, ayaa weli saameyn muuqata ku leh goobahaas, iyagoo ka gaysta falal lidi ku ah amniga gobolka.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.