Howlgal ballaaran oo Saakay ka socda Degmada Marka

Marka (KON) - Wararka ka imaanaya qaar kamid ah xaafado ka tirsan degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo waramaya in howlgal balaaran Saakay uu ka bilowday degmadasi.
Warar Keydmedia Online
Howlgal ballaaran oo Saakay ka socda Degmada Marka

Wararka ayaa intaa waxa ay ku darayaan in ciidamada milateriga kuwa booliska Soomaaliya iyo AMISOM oo ay iskaashana ay wadaan howgalkasi.

Hadafka howgalka ayaa dadka degaanka waxa ay ku sheegen mid lagu baadi goobayo rag ka tirsan Kooxda Al-shabab oo ku dhuumaalesanaya Degmada Marka.

Lama oga ilaa iyo hada oo ay howgaladu soconayaan inta qof ay ciidamadu gacanta kusoo dhigeen.

Dadka ayaa weli la sheegaya inay ku jiraan guryahooda wax dhaq dhaqaaq ganacsina kama jiro degmadasi.

Maamulka Degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa uu Asbuuci hore, Bandow socon doona ilaa iyo 10-casho kaga dhawaqay gudaha Degmadasi.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.