Howlgalladii Gobolka Hiiraan oo dib u billowday

Dib u billaabashada howlgallada Hiiraan ayaa ku soo aadaya xilli ay xalay mid ka mid ah beelaha dega Shabeellaha dhaxe ku dhawaaqday in ay si toos ah ugu biirtay dagaalka, isla-markaana ay soo bandhigeen ciidan xooggan oo ku wajahan Aadan Yabaal.

Warar Keydmedia Online
Howlgalladii Gobolka Hiiraan oo dib u billowday

BALADWEYNE, Soomaaliya – Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo dadka degaanka ee is abaabulay ee ku sugan bariga iyo Koofurta gobolka ayaa dib u billaabay howl-gallo ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidanka huwanta ah ay saaka dib ula wareegeen degaanka Yasooman ee Bariga Hiiraan, halkaasoo ay ciidanku dhawaan dib uga baxeen kadib dagaalkii khraraaraa ee degaanka Muqokori.

Cali Jayte Cismaan wuxuu sheegay in Ciidanku uusan dib u laaban doonin inta Al-Shabaab laga xoreynayo degaannada ay kaga sugan yihiin gobolka, wuxuuna xusay in ay ku wajahan yihiin  Muqokori iyo degaanno kale oo saaran gobolka Shabeellaha dhexe.

Dib u billaabashada howlgallada Hiiraan ayaa ku soo aadaya xilli ay xalay mid ka mid ah beelaha dega Shabeellaha dhaxe ku dhawaaqday in ay si toos ah ugu biirtay dagaalka, isla-markaana ay soo bandhigeen ciidan xooggan oo ku wajahan Aadan Yabaal.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga oo saameyn xooggan ku leh Shabeellaha dhexe, Xildhibaanno iyo odayaal dhaqan oo ku heyb ah Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hor socda howlgallo si weyn loo abaabulay oo la filayo in ay ka billowdaan Sh/dhexe.

Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay ku suganaa degmada Balcad, si uu u abaabulo howlgallo labo dhinac ah oo ka dhan ah Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shaaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.