Howlgallo Dad Lagu Soo Qab Qabtay oo Laga Sameeyay Gaalkacyo

Gaalkacyo (KON)- Ciidamada amaanka Maamulka magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa xalay howlgallo ballaarn ka sameeyay xaafadaha waqooyi ee magaalada, ayadoo ay wararku soo sheegayaan in Ciidamadu ay howlgaladaasi ay ku soo qabteen dad badan.
Warar Keydmedia Online

Howlgaladaan ayaa bilowday xalay fiidkii waxaana la arkayay Ciidamo fara badan kuwaasoo dhex roondeynayo xaafadaha waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.

 Muxyidiin Axmed Aw-Muuse Taliye ku xigeenka Booliska Puntland ee Gaalkacyo ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalada ay xalay Ciidamada ka sameeyeen Waqooyiga Gaalkacyo ay ku soo qab qabteen inka badan 14 ruux kuwaasoo uu sheegay inay xiran yihiin.

Sikastaba, dhowaan ayay ahayd markii Maamulka Puntland uu shaaciyay masuulyiin iyo Ciidamo Shabaab ka tirsan ay ku sii qul qulayaan deegaanada Maamulka Pyntland.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.