Hub Farabadan oo Nabadsugidu soo qabatay

Moqadisho (KON) - Ciidamada Degmada Lafoole ayaa Gacanta ku dhigay Hub iyo walxaha qarxa oo ay Kooxda Shabaabku ku qarsanayeen Goobo kala duwan ee Degaanka Ceelasha.
Warar Keydmedia Online
Hub Farabadan oo Nabadsugidu soo qabatay

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Degmada Lafoole C/salaan C. Aadan ayaa Wariyaha Keydmedia u sheegay in ay Ciidamada Nabadsugidu Gacanta ku soo dhigeen Hub Farabadan oo ay ku jiraan walxaha Qarxa oo Kooxda Shabaab ku Xabaasheen Guri ku yaala Deegaanka Ceelsha Biyaha oo uu leeyahay Ganacsade si fiican Degaanka looga yaqaan.

C/salaam ayaa hadalkiisa ku soo xiray Mahad waxaa iska leh Illahay iyo Muwaadininta Soomaaliyeed oo nala shaqeeyey.

Waxuu yiri C/salaan ‘’ Dadka Deegaanka ayaa nala shaqeeyey oo Gacan nagu siiyey meelaha ay Argagixisadu ku dhuuntaan kuna keydsadaan wax yaalaha ay wax ku Kharibaan oo lidka ku ah Aadamiga”.

Waxuu kalo sheegay in Ciidamada Amisom ay Gacanta ku soo dhigeen Hub kale oo Fara badan.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.